Waxtar Media

Contact the business

Waxtar Media Waxtar Media is an independent Somali platform focused on in-depth analysis, informed debate and responsible journalism.

We follow key political,social, and economic issues to promote awareness,balance, and critical thinking.

 Markabkii ugu horreeyay ee sida xamuul Gas ah ayaa maanta ku soo xirtay Dekedda Boosaaso, taas oo loo arko tallaabo muh...
28/08/2026


Markabkii ugu horreeyay ee sida xamuul Gas ah ayaa maanta ku soo xirtay Dekedda Boosaaso, taas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo helitaanka iyo joogtaynta sahayda gaaska ee Puntland.

Shirkadda SOMGAS, oo ka mid ah shirkadaha hormuudka u ah qaybinta LPG-ga ee Puntland, ayaa sheegtay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo sahayda gaaska iyo adeegyada ay siiso macaamiisheeda, gaar ahaan guryaha, hoteellada iyo goobaha ganacsiga.

SOMGAS ayaa muddooyinkii dambe ballaarinaysay kaabeyaasha kaydinta iyo qaybinta LPG-ga, iyadoo shirkaddu sheegtay inay leedahay xarun kaydinta iyo terminal LPG oo ku yaalla Boosaaso.

Xigasho: SOMGAS (SOMGAS Energy)

 Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay Gacanka Cadmeed, waqooyiga xeebaha PuntlandDhulgariir xooggan oo cabbirki...
28/08/2026



Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay Gacanka Cadmeed, waqooyiga xeebaha Puntland

Dhulgariir xooggan oo cabbirkiisu yahay 6.0 magnitude ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Gacanka Cadmeed, meel ka baxsan waqooyiga xeebaha Puntland.

Dhulgariirka ayaa dhacay 12:07 habeenimo ee 28 Agoosto 2026, waxaana xudduntiisu ku taallay qiyaastii 145 kiiloomitir meel waqooyi ka xigta magaalada Caluula ee gobolka Bari.

Sida ay sheegtay Hay’adda Sahanka Juqraafiga Maraykanka (U.S. Geological Survey – USGS), dhulgariirku ma ahayn mid saamayntiisu gaartay 10 km wax ka baxsan halka uu ka dhacay.

Warbixinnada hordhaca ah ayaa sheegaya in aanay jirin wax khasaare naf iyo maal ah oo ilaa hadda laga soo sheegay xeebaha Soomaaliya. Sidoo kale, khatar weyn oo tsunami ah lama soo sheegin.

Xigasho: U.S. Geological Survey (USGS).

Taliyihii h**e ee ciidamada Serbia ee Bosnia, oo lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay mas’uuliyadda dil wad...
27/08/2026

Taliyihii h**e ee ciidamada Serbia ee Bosnia, oo lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay mas’uuliyadda dil wadareedkii in ka badan 8,000 oo Bosniak ah bishii Luulyo 1995, iyo go’doomintii magaalada Sarajevo oo sannado badan socotay, ayaa geeriyooday isagoo 84 jir ah.

Wuxuu 15 sano ku jiray dhuumasho, ka hor intii aan lagu qaban Serbia sanadkii 2011.

Ruushku wuxuu ka digay inuu bartilmaameedsan karo Boqortooyada Midowday (UK), isagoo ka jawaabaya gantaallada British-ka...
27/08/2026

Ruushku wuxuu ka digay inuu bartilmaameedsan karo Boqortooyada Midowday (UK), isagoo ka jawaabaya gantaallada British-ka ah ee Kyiv ku ridday.

 Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan, Cabdorraxiim Muusaawi, ayaa la dilay isaga iyo jeneraallo kale oo sa...
01/03/2026


Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan, Cabdorraxiim Muusaawi, ayaa la dilay isaga iyo jeneraallo kale oo sar sare, kadib weerarro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen dalkaas, sida ay telefishinka qaranka shaacisay Axaddii.

Telefishinka qaranka ayaa magacyada ku daray Muusaawi, wasiirka gaashaandhigga Caziiz Naasirzaadeh, taliyaha Ilaalada Kacaanka (Revolutionary Guards) Maxamed Pakpour, iyo madaxa golaha difaaca Cali Shamkhani, kuwaas oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dadka lagu dilay weerarradii dhacay Sabtidii.

Warbaahintu waxay sheegtay in lagu dilay “intii uu socday shir Golaha Difaaca ah”, iyadoo intaas ku dartay in magacyo kale la shaacin doono mar dambe.

 Telefishanka dowladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey geerida Hogaamiyihii Sare, Ayatollah Ali Khamenei. Khamenei, o...
01/03/2026


Telefishanka dowladda Iran ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey geerida Hogaamiyihii Sare, Ayatollah Ali Khamenei. Khamenei, oo jiray 86 sano, wuxuu ahaa Hogaamiyaha Sare ee Iran tan iyo sanadkii 1989.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laas...
16/01/2026


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood. halkaas oo uu kaga qaybgalayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya. Booqashadani waa mid taariikhi ah, waxayna qayb weyn ka tahay xoojinta midnimada dalka iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

 Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Qatar ayaa sheegay in Masar, Sacuudi Carabiya, Turkiga, iyo Pakistan ay tahay inay isu taga...
15/01/2026


Ra’iisul Wasaarihii h**e ee Qatar ayaa sheegay in Masar, Sacuudi Carabiya, Turkiga, iyo Pakistan ay tahay inay isu tagaan oo ay asaasaan isbahaysi istiraatiiji ah.

“ ’s Bin Zayed is reeling from Bin Salman’s 🇸🇦 sweeping onslaught on his empire:-   cancels its contracts with the   and...
13/01/2026

“ ’s Bin Zayed is reeling from Bin Salman’s 🇸🇦 sweeping onslaught on his empire:

- cancels its contracts with the and turfs Bin Zayed’s bases;

- is close to establishing a defence pact with and is conferring with the emphatically resurgent Crown Prince on , , the Red Sea, and (where a galvanised government has finally relocated back to the capital );

- avoids antagonising and strays from UAE by refusing to recognise ;

- Bin Zayed’s STC proxy in is dissolved, its remnants bombarded, and remaining allies cede and turn themselves over to Bin Salman as he turfs the and spectacularly ruins Abu Dhabi’s treacherous and ruinous 10 year project in a mere 10 days;

- Bin Zayed struggles to find a single regional power to lend support or mediate or stop the unravelling of his empire.”

Saami Hamdi

“Bin Zayedka Imaaraadka Carabta ayaa wajahaya dib-u-dhac weyn kadib weerar siyaasadeed oo ballaaran oo uu ku qaaday Bin Salman 🇸🇦, kaas oo ruxay saamayntiisii iyo mashruuciisii gobolka:

-Soomaaliya waxay baabi’isay dhammaan qandaraasyadii ay la lahayd Imaaraadka, waxayna dalka ka saartay saldhigyadii Bin Zayed;

-Madaxweyne Erdoğan ayaa ku dhow inuu heshiis difaac la galo Riyadh, wuxuuna wadahadallo la yeelanayaa Dhaxal-sugaha sida xooggan ugu hawlan arrimaha Yemen, Soomaaliya, Badda Cas, iyo Suudaan (halkaas oo dowlad si weyn u mideysan ay ugu dambayn dib ugu soo laabatay caasimadda Khartuum);

Hindiya ayaa ka fogaatay inay caro geliso Sacuudi Carabiya, waxayna ka leexatay gabi ahaanba xodxodashada Imaaraadka iyada oo si cad u diiday inay aqoonsato Somaliland;

Kooxda STC ee Yemen, oo ahayd wakiilka Bin Zayed, waa la kala diray; wixii ka harayna waa la duqeeyay, halka xulafadii hadhayna ay is dhiibeen oo u wareegeen Bin Salman, kadib markii uu si buuxda uga saaray Imaaraadka Yemen kuna burburiyay mashruucii khiyaanada iyo burburka ahaa ee Abu Dhabi 10 ka sano dhisaysay, 10 maalmood gudahood;

Bin Zayed ayaa ku dhibtoonaya inuu helo hal quwad goboleed oo taageerta, dhex-dhexaadisa, ama joojisa burburka iyo kala daadashada saameyntiisii iyo boqortooyadiisii siyaasadeed.”

Saami Hamdi

  Waxaa weli Hargaysa ku xiran Shiikh Maxamed Weli C/rashiid oo kamid ah Culimada sida weyn looga yaqaanno deegaannada m...
05/01/2026


Waxaa weli Hargaysa ku xiran Shiikh Maxamed Weli C/rashiid oo kamid ah Culimada sida weyn looga yaqaanno deegaannada maamulkaas, kadib markii ciidamada amaanka maamulka Soomaaliland ay xireen wadaadka maalmo ka hor.

Shiikha ayaa xariga ka hor u sharaxay shacabka Soomaaliland heshiiska Abraham ee dhigaya in Soomaaliland ay xiriir diplomaasiyadeed la yeelato Yahuudda.

Shiikha ayaa tilmaamay in Culimada Soomaaliland ay hogaamiyaha maamulkaas Cirro u sheegeen in heshiiskan uu ka hor imaanayo diinta islaamka uuna inkirayo jiritaanka Falastiin oo la kulmeysa dhibaato waaweyn oo kaga imaanaya gumeystaha arxanka daran ee Yahuudda.

Wuxuu uga digay hogaamiyaha maamulka Soomaaliland inuu saxiixo ku biirista heshiiskaas.

Address

Boosaaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waxtar Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Waxtar Media:

Shortcuts

Share