12/07/2026
Ethiopian Shipping and Logistics ESL waa shirkadda qaran ee Itoobiya ee ugu weyn dhinaca maraakiibta, saadka (logistics), gaadiidka xamuulka, adeegyada dekedaha, iyo maaraynta silsiladda sahayda (supply chain).
Waa laf-dhabarta ganacsiga dibadda ee Itoobiya, maadaama ay maamusho inta badan soo dejinta iyo dhoofinta dalka.
Waxay muujinaysaa kalsoonida Itoobiya ee marinka ganacsi ee Berbera waa bilaw hor leh .
Waxay kordhinaysaa isticmaalka Dekedda Berbera ee ganacsiga Itoobiya.
Waxay xoojinaysaa iskaashiga dhaqaale ee Somaliland iyo Itoobiya.
Waxay kor u qaadaysaa tartanka iyo doorka Berbera oo noqonaysa marin istaraatiiji ah oo gobolka Geeska Afrika muhiim u ah.
Waxay abuuri kartaa fursado cusub oo ganacsi, shaqooyin, iyo maalgashi.