01/10/2026
OGEYSIIN MUHIIM AH: Shuruudda Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID) ee Duulimaadyada Gudaha.
Dhammaan macaamiisha sharafka leh ee Terra Travel and Logistic Company iyo guud ahaan rakaabka u dhoofaya gobollada dalka, waxaa lagu wargelinayaa amarka cusub ee ka soo baxay Hay'adaha Dowladda oo khuseeya duulimaadyada gudaha (Local Flights).
Qodobbo Muhiim ah oo ku saabsan Amarka Cusub:
1. Wixii loo joogo maanta ka dib, mid ka mid ah shuruudaha ugu muhiimsan ee tikidh goosashada iyo fuulista diyaaradaha gudaha waa in rakaab kasta uu wato Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA ID) oo shaqaynaya.
2. Dadka aan wadan Kaarka NIRA ama caddaynta rasmiga ah ee Hay'adda NIRA laguma oggolaan doono in loo soo saaro tikidh, mana geli karaan garoomada diyaaradaha ee gudaha dalka.
3. Si looga baaqsado dib-
u dhac ama fashil ku yimaada safarkaaga, fadlan hubi inaad diyaarso ama soo qaadato kaarkaaga NIRA ID ka hor inta aad noo soo goosanin tikidhada duulimaadyada gudaha.
Wixii faahfaahin dheeraad ah ama caawinaad ah oo ku saabsan habaynta safarradaada, fadlan kala xiriir xafiiska Terra
Telefoon / WhatsApp: +252 610 122 223
Email: [email protected]
Xafiiska: Muqdisho, Soomaaliya