07/09/2022
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Kusoo dhowaada walaalayaal xamlada xajka iyo cumrada ee tayasiir
*maxaanu qabanaa* ?
Nebigu SCW wuxu tilmaamay qofku markuu geeriyoodo in camalkiisu istaago waxa usii socon kara uun dhowr shay oo uu ka mid yahay walad uu ka tegay oo wanaag u sameeya , khayr iyo sadaqo u bixiya ama usoo duceeya.
waxaana ka mid ah waxyaabaha waalidka loo qabto cumrada oo ah qofku waalidkii inuu ka cumreeyo ama cid ka cumraysa u wakiisho hadii aanu tegi karayn masaajidka xaramka ee barakaysan
anagoo taa ka duulayna ayaanu umada somaliyeed ee jecel inay waalidiintood u sama falaan ee aan duruufuhu u saamaxayn inay yimaadan xaramka aanu waalidiintood uga cumraynaynaa anagu
*YAA LAGA CUMRAYN KARAA ?*
waxa laga cumrayn karaa laba qofuun
- qof geeriyooday
- ama qof dhulyaala oo xanuunsanaya aanna socon karayn
hadii aad u baahantahay in hawshaa laguu qabto soo dhawaw waanu kuu fududaynaynaa inshallaah