Bashir Mahamed Abdillahi - Dhamac

Bashir Mahamed Abdillahi - Dhamac Hayaanka tubtiisa haysta…

24/02/2022

"Inta maalin baqasho leh
Ta u maan gilgilid badan,
Muddadeeda shiranta ah
Mayalkeeda dhaadheer
Manjo daalay fuliyaan,
Allaheedu madal yahay
Nin maqnaaba sugi jiray.

Dayaxeeda muuqdaa
Nebi Muxammad sii yahay (SCW),
Marinnada la kala xigo,
Labadeeda kala mudan
Ninka Muumin sheegtaa
Dhanka midig ku sugan yahay.

Iyadoo malcuunkii
Toddobaatan midablii
Macnayare la odhan jiray
Murtad iyo dhal shayddaan
Iyo mukhawiyiintii
Dhanka bidix u meersaday.

Madal laysu soo baxay,
Warba mooyi laga yahay,
Mahadhiyo ladh toosiyo
Waxa maangad dhacayaa
Miyirdoorsan dhaliyeen;

Mahwi aan la kala hoyan
Milic aan hadh laga galin
Maro iyo kab loo sidan
Mucsur lagu quturan yahay.

Sida malow u soo baxay
Maqrib dumay dhir meygaag
Naxdin lala madow yahay,
Ishu dhiillo mudan tahay,
Wejigeedu milan yahay.

Marwo iyo dhabeel iyo
Laga yimid minyaradii
Iyo mudanayaashii
Marta loo furfuri jiray.

Mindi iyo tollaaydii
Iyo muusannawgii
Mirta looga kici jiray
Madhan tahay docdoodii.

Mahuraanku kala naxo,
Rag ninkii wax miran jiray
Miismiisan jiray ciin
Iyo mur iyo deebaaq
Muhashadu u baaqayn,
Dhal magaalo kulushahay,
Mallayada naftiisa ah
Magac iyo hankiisiyo
Ninna maal ku furanayn.

Qofba meel ku diran yahay,
Kashu maayad ruxan tahay,
Marmaroortu luran tahay,
Garashadu mudduci tahay,
Runtu soo mutuxan tahay,
Nin muraad ka xidhan yahay
Maxrashoon ku sugayaa
Danta waw min tiriyaa.

Muslinow dharaartaas
Amarkiyo mugweynta ah,
Ninna malab ka dhabaqsaday
Ninna dacar ka muudsaday,
Maqal yaanay kugu noqon.

Hana lumin muftaaxii
Furi jiray martabadaha
Mahaddoodu badan tahay.
Naftu macandi weeyee
Male hawgu sahan tagin
Ha ku daalin meermeer.

Weligaa ha muunayn
Madhantiyo xagxagatada,
Jinka ha u muraad qumin,
Yaan masuugga shayddaan
Milicsiga adduunkiyo
Madadaalo kugu hodin,
Noloshana kas iyo maan
Miyir sugan ku doondoon.

Muslinow ha xaalayn
In munaafaq jecel yahay,
Haysku milin shar iyo khayr,
Midabbada iska ogow
Lagu naco masuuskiyo
Qofka geed is mariskaa.

Hana noqon mushkiladaha
Xanankiyo madduunka ah,
Midho geed ku wada yaal
Madi iyo maggeyno ah
Ha ku ridin is maandhaaf,
Madax iyo minjaha sida
Madmadow ha kala galin.

Maxastaada weligaa
Mijin hawga roonaan.
Mintid noqo abaabulan
Iyo lagama maarmaan
Marwadiisu jeceshahay,
Ubadkiisu meel dheer
Uga soo mashxaradaan.

Majaraha ha sii deyn
Rabbi loogu magan yahay.
Inaad muuqa qudha tahay
Mahad inaad ku nooshahay
Labadaasna kala miyo." - Mayaldheer | 2006.

Be interesting and Customers will come.
01/02/2022

Be interesting and Customers will come.

Address

Down Town
Burco

Telephone

+252634336466

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bashir Mahamed Abdillahi - Dhamac posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Bashir Mahamed Abdillahi - Dhamac:

Share