SomMarine Limited

SomMarine Limited Shirkada SomMarine Limited waxay samaysaa Doomaha Kaluumaysiga, Dalxiiska iyo Doomaha Xamuulka.

Waxaa farxad noo ah in maanta uu Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam nagala soo qeybgalo xaflada xarig jar...
28/02/2026

Waxaa farxad noo ah in maanta uu Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam nagala soo qeybgalo xaflada xarig jarka doonta cusub ee xamuulka midaas oo shirkadu ku samaysay gudaha Magaalada Kismaayo..

Doontan oo ah midii ugu horreysay ee nooceeda lagu sameeyo gudaha dalka, ayaa la filayaa inay ka howlgasho xeebaha barriga Afrika iyadoo door weyn ka qaadan doonta horumarinta kalluumeysiga iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga.

Madaxweynaha Jubaland ayaa xafladii xarigjarka doonta ka jeediyey khudbad uu ku bogaadinayo shirkadda Sommarine Limited, isagoo ku ammaanay dadaalka iyo farsamada ay ku hormarinayaan wax-soo-saarka gudaha.

02/10/2025
Waxaa maanta farxad noo ah inaan howgalino doon dalxiis oo casri oo aan ku farsameynay xarunteena SomMarine ee Magaalada...
13/07/2025

Waxaa maanta farxad noo ah inaan howgalino doon dalxiis oo casri oo aan ku farsameynay xarunteena SomMarine ee Magaalada Kismaayo.

Munaasabad kooban oo lagu daahfurey doontan cusub ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan xukuumada Jubaland iyo Maamulka Degmada Kismaayo.

Doontan oo ah nooca dalxiiska ayaa qaadi karta 18 qof waxayna noqonaysaa midii ugu horeysay ee nooceeda lagu sameeyo Kismaayo.

Waxaa maanta kormeer ku yimid xarunta Shirkada SomMarine Wasiir kuxigeenka Kaluumaysiga Jubaland, Gudoomiyaha Degmada Ki...
08/02/2025

Waxaa maanta kormeer ku yimid xarunta Shirkada SomMarine Wasiir kuxigeenka Kaluumaysiga Jubaland, Gudoomiyaha Degmada Kismaayo iyo Gudoomiye kuxigeenka Degmada Kismaayo.

Masuuliyiinta kormeerka ku yimid xarunta Shirkada waxaa soo dhaweeyey Maamulaha Shirkada SomMarine Qeys Cabdiraxmaan isagoo masuuliyiinta tusay doomihii iyo haamihii u danbeeyey ee shirkadu soo saartay.

Shirkada SomMarine oo fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo ayaa soo saarta doomaha Kaluumaysiga, kuwa xamuulka, kuwa dalxiiska iyo haamaha keydka biyaha.

Maamulaha Shirkada SomMarine Qeys Abdirahman ayaa ka qeybgalay madasha aqoon wadaaga kheyraadka buluuga oo urur goboleed...
02/12/2024

Maamulaha Shirkada SomMarine Qeys Abdirahman ayaa ka qeybgalay madasha aqoon wadaaga kheyraadka buluuga oo urur goboleedkka IGAD ay ku qabatay Dalka Jabuuti.

Qeys Abdirahman ayaa shirkan oo looga hadlayay ka faa'iideysiga kheyraadka buluuga ee wadama geeska Africa ku soo bandhigay wax-soosaarka iyo dhismaha doomaha casriga ee ay samayso Shirkada SomMarine.

Shirkada SomMarine ayaa maanta howgalisay mid kamida doomaha kaluumaysiga ee shirkadu soo saartay. Shirkada oo xarunteed...
28/10/2024

Shirkada SomMarine ayaa maanta howgalisay mid kamida doomaha kaluumaysiga ee shirkadu soo saartay.
Shirkada oo xarunteedu ku taalo Magaalada Kismaayo ayaa dadaal ugu jirta sidii loo heli lahaa doomo tayo leh oo looga shaqeysto kheyraadka kala duwan ee badda.

18/07/2024

Khudbadii Maamulaha Shirkada SomMarine Limited Qeys Cabdiraxmaan uu ka jeediyey munaasabadda daahfurka shirkada.

Shirkada SomMarine oo samaysa noocyada kala duwan ee doomaha kalumaysiga, xamuulka iyo dalxiiska ayaa laga daahfuray Mag...
18/07/2024

Shirkada SomMarine oo samaysa noocyada kala duwan ee doomaha kalumaysiga, xamuulka iyo dalxiiska ayaa laga daahfuray Magaalada Kismaayo.

Shirkada SomMarine dhismaheedu wax uu soo bilowday sanadkii 2017 iyadoo marxalado kala duwan soo martay.

Xaflada daahfurka shirkada SomMarine waxaa ka soo qeybgalayey Wasiiro, Maamulka Degmada Kismaayo,
Odayaal dhaqameed, Ganacsato iyo Injineeradii ka shaqeyn lahaa dhismaha Doomaha.

Maamulaha Shirka SomMarine Qeys Cabdiraxmaan ayaa khudbad dheer ka jeediyey munaasabadda daahfurka shirkada SomMarine.

Arabaco 17 July, 2024.

Address

Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SomMarine Limited posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share