09/03/2023
Muqadisho: Maarso, 09, 2023
Duulimaadka Shirkadda Diyaaradda Imaaraadka ee Flydubai ayaa maanta oo khamis ah waxaa lagu wadaa in ay duulimmadyadeeda rasmiga ah ka bilowdo Magaalada Muqdisho taasi oo bilow u noqoneysa duulimaadyo cusub oo ay Flydubai ay sidoo kale ku tagi doonto ku dhowaad 11 Dal oo kale òo ku Kala yaala magaalooyinka Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeisa, Khartoum, Juba and Zanzibar, Asmara iyo Addis ababa.
Duulimaadyadan cusub ee shirkadda diyaaradaha ee flydubai oo Boeing 737 Max ayaa isku xiri doonta Ganacsiga iyo Dalxiiska Soomaaliya oo ka billaabanaya magaalada Dubai iyo guud ahaan Dalka Imaaraadka Carabta.