07/10/2019
Maamulka diyaaradaha ee Juba Airways ayaa beeniyey in shatigii lagala laabtay.
Guddoonka sare ee shirkadda diyaaradaha ee Juba ayaa sheegay in warkaasi yahay been abuur kutiri kuteen ah oo la rabo in lagu wiiqo awooddooda ganacsi maadaama ay leeyihiin saameyn xoog leh oo dhanka beec mushtariga ah.
Maamulka ayaa sheegay in sharciga ay la tiogsanayaan cod kasta oo si aan sharci aheyn u sheegta warkooda.
Maamulka diyaaradaha ee Juba Airways ayaa xaqiijinta iisheegay waxaana ay tilmaameen in aysan sax aheyn warkaas la xiriira in shatigii la gala laabtay.