23/04/2021
Aabihii dilka lagu xukumay
Waxa lagu xukumay wiilkan dil toogasho ah.
Waxaana lagu fulinaya dilka labo maalin kahor maalinta ciida ciidul fitriga.
Wuxu ka codsaday saraakiisha xabsiga in loo ogolaado inuu arko inantiisa yar kahor intan aan lagu fulinin dilka.wuxu lahadlay reerkiisa ama aafadiisa wuxuna kuyiri sida tan:
"Waxa laga yaaba inan fursad uheli waayo inan arko farxada wajigiina kamuuqan doonta maalinta ciida, oo waxan mari doonaa ciqaab sababi doonta inaynan mar danbe is arag, oon macasalameeyo dunida sidaa darted waxan kaa codsanayaa inad iigusoo labisto inantyda yar, una soo xidhto dharkeda ciida iiguna keento xabsiga, si aan u arko farxada wajigeeda ayna iigula muuqato inan laqaybsaday farxada ciida"
Intaa kadib waxa xabsiga loogu keenay gabadhiisii balse ma uunsan kahelin farxadi uu filayay inuu ka arki doono wajiga gabadhiisa yar, waayo waxay darensanayd in xaalada uu ku sugan yahay aabahed aysan ahayn mid muujinaysa rajjo danbe oo ah inuu dunidan baaqi kusii ahaanayo.
In badan buu isku dayay inay faraxdo gabadhiisa yar, balse gabadhii yarayd way haleli wayday inay faraxdo waxay kutidhi:
"Aabe miyaa lagu dilayaa xaafadena ayaan kamaqlay kadibna waan ooyay ee aabe ha idilina dheh aad nala soo ciidide "
Aabihii farxada baadhayay isagii ayaa oyay.
Run ahaantii waxaa dunidan kunool malayin muslimiin ah oo qababaaho kala duwan
Fadlan aynu uducayno muslimiinta meel kastoy dunida kajogan gaar ahaa wadankeena
Fadlan hadad dhamaysay walal bogan like saar oo xili walba kala soco
Xigasho macqul media