Golaha mustaqbalka

Golaha mustaqbalka Golaha mustaqbalka

07/07/2026

Shaashadaha waaweyn ee ganacsiga ee hareeraha waddooyinka lagu rakibay ma horumar ayay magaalada u keeneen mise culeys?

Caawa, intii lagu guda jiray ciyaartii Argentina iyo Masar, mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ayaa isku socodkii gaadiidku hakad galay.

Bajaajleyda, ayaa gaadiidkooda ku hakiyay waddada dhexdeeda si ay uga daawadaan ciyaarta shaashadaha waaweyn ee ganacsiga, taasoo sababtay ciriiri iyo jaam xooggan.

Haddaba, shaashadahan loo keenay ujeeddada ganacsiga iyo xayeysiiska ma horumar ayay magaalada u soo kordhiyeen, mise waxay noqdeen culeys saameyn ku leh isu socodka gaadiidka iyo adeegsigii waddooyinka?

07/07/2026

Duqii Caasimada oo inta xafiiskiisa kasoo baxay shacabka la dareen ah wali ma aragteen? Car i tusa Muungaab oo yimid meelaha biyaha fariisteen.

Halkaan waa Fagax.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimad...
06/07/2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi uu uga qeyb galayo Caleema Saarka Hoggaamiyaha iyo Guddoonka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoonka Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed, Xubnaha Golaha Wasiiradda heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

06/07/2026

DEG DEG:Diyaarada F-16 Ayaa Sheeda Sare Ka
Waardiyeyneysa Munaasabada Caleema Saarka Aadan
Madoobe.

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta magaalada Muqdisho keenay laba eedeysane oo ka...
06/07/2026

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta magaalada Muqdisho keenay laba eedeysane oo kala ah Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal, kuwaas oo laga soo qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud, iyagoo watay laba qori oo nooca AK-47 ah.

Howlgalkan ayaa daba socda go’aannadii uu Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, kaga dhawaaqay gogoshii nabadeed ee ka dhacday degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu adkeynayay in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo hub sharci-darro ah ku dhex qaadata bulshada ama hurisa colaadaha.

Labada eedeysane ayaa la horgeynayaa hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa laba jibaartay howlgallada lagu sugayo amniga, xasilinta deegaannada, ka hortagga hubka sharci-darrada ah iyo falalka hurinaya colaadaha, si loo adkeeyo nabadda, wada noolaanshaha iyo kala dambeynta bulshada.

14/04/2026

idawanayo marabta inow XASAN xilka sihayo mise # nolawadag aragtidada #

17/03/2026

Mamul gobaledka kg ayaa manta ujaray wada shaqeynti kadhaxeysay dolwlada Somalia 🇸🇴.
Somaliyey Xgee nolawada wa yaabee dawade maxey kula muqata adi

04/03/2026

Ciyarta wali waye soma dhamanin 😅

03/03/2026

Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
-----
1-Madaxweynaha Soomaaliya waxaa dooranaya Baarlamaanka.

2-Xildhibaannada waxaa dooranaya shacabka.

3-Ra’iisul wasaaraha waxaa magacaabaya madaxweynaha.

4-Ra’iisul wasaaraha waxaa xilka ka qaadi kara Baarlamaanka.

5-Qofku labo jeer ayuu dalka madaxweyne ka noqon karaa.

6-Da'ada ugu yar ee qofka noqonaya madaxweyne waa 40 sano, da'ada weynaanta lama xadidin.

7-Madaxweynuhu waa inuu yahay Soomaali iska dhal ah. Micnaha qof hooyadii ajinabi tahay madaxweyne k**a noqon karo Soomaaliya.

8-Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha, labada gudoomiye Baarlamaan iyo gudoomiyaha maxk**adda sare waxaa ka mamnuuc ah iney yeeshan jinsiyad labaad. Waa iney celiyan jinsiyadda ajinabiga ah markii la doorto ama la magacaabo.

9-Madaxweyne, ra'iisul wasaare, gudoomiye Baarlamaan iyo gudoomiyaha maxk**adda sare ma noqon karo qof leh xaas ajinabi ah.

10-Maqaamka Muqdisho wuxuu noqonaya gobal caasimad ah, dadka caasimadda degan ayaa dooranaya Golaha deegaanka oo dooranaya gudoomiyaasha degmooyinka iyo Golaha caasimadda oo iyaguna dooranaya duqa magaalada. Dowladda Federaalka ah ayaa Muqdisho usoo magacaabeysa masuul sare oo maamulaya amniga iyo siyaasadda Muqdisho, halka duqa magaaladu uu masuul ka noqonayo heer maamul.

11-Hadii uu xildhibaanku wasiir noqdo wuxuu luminaya kursiga xildhibaanimada. Qofka badalaya waxaa la waafajinaya xeerka doorashada.

12-Da’ada qaangaarnimada diiniga ah waa 15 sano, da’ada qaangaarnimada masuuliyadda ama xilkasnimada waa 18 sano.

13-Mudo xilleedka rasmiga ah ee Dowladdu waa 5 sano.

14-Madaxweynaha, ra'iisul wasaaraha iyo labada gudoomiye Baarlaman waa iney hantidooda guurtada iyo ma guurtada ah u gudbiyan Hanti-Dhowraha guud ee Qaranka guusha doorashada ama magacaabista kadib.

15-Da'ada xildhibaanka ugu yaraan waa 25 sano, da'ada ugu yar ee wasiirkana waa 30 sano.

Dastuurkan hadii ay xildhibaannadu berri u codeeyaan wuxuu sharciyan dhaqangalaya markii uu madaxweynuhu saxiixo, halka qodobbada heer maamul ay dhaqangalayan 4 bilood ilaa lix bilood gudahood.

Address

Banadir Street
Juba

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha mustaqbalka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share